Mikel Arteta oo loo magacaabay tabaraha cusub ee Arsenal

HomeWararka

Mikel Arteta oo loo magacaabay tabaraha cusub ee Arsenal

Maamulka Naadiga Arsenal ayaa ciyaaryahan Mikel Arteta u magacaabay tababaraha cusub ee Naadiga Arsenal. 37 jirkan u dhashay dalka Spain ayaa ahaa

FALANQEYN: Rajada shirka Muqdisho laga qabo iney madaxdu ku heshiiyaan (daawo)
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaarinayo Howl-gallada Argagaxisada Dalka Looga Saarayo (Daawo)
Wariyaasha Gaalkacyo oo samaystay Dallad ay ku Midaysanyihiin (dhegayso)

Maamulka Naadiga Arsenal ayaa ciyaaryahan Mikel Arteta u magacaabay tababaraha cusub ee Naadiga Arsenal.

37 jirkan u dhashay dalka Spain ayaa ahaa kabtankii hore ee Naadiga Arsenal, waxa uuna kula guuleystay 2 koob oo F A Cup-ka ah inta uu la joogay Naadiga.

Arteta ayaa tababare ku xigeen u ahaa Pep Guardiola oo ah macallinka Naadiga Manchester City tan iyo markii uu ka fadhiistay ciyaaraha sanadkii 2016

”’Waa inaan ku dadaalnaa sidii aan uga mid noqon lahayn naadiyada ugu sareeya horyaalka ayuu yiri”’Arteta

Naadiga Arsenal ayaan wax guul ah ku gaarin lixdii kulan ee ugu dambeysay garoonkeeda Emirates Stadium, tan iyo sanadkii 1995. waxa ayna 7 dhibcood ka hooseesaa Naadiga kaalinta afaraad kaga jirta horyaalka Ingiriiska Chelsea.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: