Soomaali lagu  xirxiray Koonfur Africa

HomeWararka

Soomaali lagu xirxiray Koonfur Africa

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay bilaabeen howlgallo lagu qab qabanayo dad ay soomaali ku jiraan gaar ahaan kuwa aan Shar

Garaad Cabdirisaaq Soofe oo ka hadlay xaaladda Puntland
Wasiirka Amniga DFS oo sheegay in Raggi Weraarka qaaday Qaar kamid ah la qabtay
Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Xaaladda Ammaan ee Muqdisho iyo Dagaalka Alshabab

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay bilaabeen howlgallo lagu qab qabanayo dad ay soomaali ku jiraan gaar ahaan kuwa aan Sharciga heysan ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.

Goobha ay Ciidamada Booliska Koonfur Afrika howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah goobaha Ganacsiga Soomaalida,sida Dukaamada Dharka,kuwa lagu Iibiyo Alaabaha kala duwan,waxaana dadka la xirey ku jira Milkiilayaasha goobaha Ganacsi.

Dadka la xirey ayaa waxaa ay isugu jiraan Soomaali iyo Itoobiyaan,waxaana Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ay Warbaahinta dalkaas u sheegeen in dadka aan Sharciga heysan la siinayo Warqado u fududeynaya inay helaan Sharci.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa waxaa digniin kama dambeys ah ay siiyeen Milkiilayaasha Hoteelada, iyagoo uga digay in qof aan sharci wadan ay ka kireeyaan Hoteeladooda.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAYSKA CAADI ARINKAASI SOMALOIDANA WAA LAGA GAR LEEYAHAY.
    SOMALIDA XAQ BAA LOOGU LEEYAHAY INAY ILAALIYAAN SHURUUCDA DALKAAS OO AY RAADSADAAN WARAAQAHA AY KUJOOGAAN DALKA,GANACSIGUNA WAA INUU OGOLAANSHO LEEYAHAY,LIISAN,CANSHUURTANA BIXIYAAN.
    SOUTH AFRICA HIILKII AYNU U HIILINAY WELI DUNIDA QAAR BAA NOOGU CARAYSAN!!!.
    WAA MEELAHA NALAKA RAACAY!!!!KKKKK.-SOMALIDU ARAGTI AHAAN WAA DAD AFRICANKA
    KA HOREEYA,WAXAYNUNA KA HORAYNAA 100 SANO,..
    SOMALIDU WAA DAD ARAGTI DHEER.

DISQUS: