Wasiirka Amniga DFS oo sheegay in Raggi Weraarka qaaday Qaar kamid ah la qabtay

HomeWararka

Wasiirka Amniga DFS oo sheegay in Raggi Weraarka qaaday Qaar kamid ah la qabtay

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ay Ciidamada Gaashaan gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah Raggii wee

MUQDISHO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiiro Cusub
Waa sidee xaaladda Ceerigaabo iyo caawa? (dhegayso|daawo)
Gen Morgan oo Gaalkacyo lagu soo dhaweyeey (dhegayso/Sawiro)

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ay Ciidamada Gaashaan gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah Raggii weerarka ku qaaday Hotelka Naasahablood 2.

Howlgalkan ayaa soo gaba gaboobay saaka 4:00 AM (Subaxnimo),iyada oo tan iyo xilligaas Ciidamada dowladda ay dagaal kula jireen xubno ka tirsan Al-shabaab oo Qarax iyo weerarba ku qaatay Hotelka.

Ciidamada Al-shabaab ee galay Hotelka ayaa qeybta sare isugu tagay,waxaana ay Bambaanooyin ku bur buriyeen jaranjarada Hotelka taas oo Ciidamada dowladda ku adkeysay in ay gaaraan qeybta sare ee Hotelka.

Ciidamada ayaa ugu dambeyn waxaa u suuragashay in ay gaaraan iyada oo ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah Raggii dagaallamayay oo aan ilaa hadda lakala caddeyn caddadooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: