Toogasho ka dhacday dalka Czech

HomeWararka

Toogasho ka dhacday dalka Czech

Nin hubeysan ayaa gudaha u galay Isbitaal ku yaala dalka Czech, kadibna toogasho ka geystay. Toogashada ayaa ka dhacday qolka ay fadhiistaan dadka

Warka Fiidnimo iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xaawo Axmed Maxamed, Daljir Garoowe (dhegayso | daawo)
Ansixinta miisaaniyada Puntland iyo hoos-u-dhac miisaaniyad (dhegayso)

Nin hubeysan ayaa gudaha u galay Isbitaal ku yaala dalka Czech, kadibna toogasho ka geystay.

Toogashada ayaa ka dhacday qolka ay fadhiistaan dadka u baahan adeegyada caafimaadka, waxaana ku dhintay lix qof, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo dhaawacooda uu halis yahay.

”Nin ku hubeysnaa qori ayaa rasaas ku faray dad ku sugnaa goob caafimaad, waxaa ku dhintay toogashadaasi lix qof, isagana waa uu is dilay ayuu yiri” Sarkaal ka tirsan Boliiska magaalada Ostrava ee Waqooyiga dalka Czech.

Waxaa la arkayey dadka oo orod kaga soo baxaya isbitaalka. iyadoo goobta ay soo buux dhaafiyey Ciidamada amniga dalka Czech

Raysal Wasaaraha dalka Czech Andrej Babis oo Warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa sheegay in uu ka xunyahay waxa dhacay, isla markaana shacabka ugu baaqay in ay isdajiyaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Czech Milos Zeman ayaa u tacsiyeeyey ehelada dadkii ku dhintay toogashada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: