Algeria oo xukun ku riday labo mas’uul oo xilal sare soo qabtay

Algeria oo xukun ku riday labo mas’uul oo xilal sare soo qabtay

Maxakamad ku taala dalka Algeria ayaa xukun ku riday labo Mas’uul oo xilsare ka soo qabtay dalkaasi, kadib markii lagu helay in ay geysteen musuq-maasuq.

Labada Mas’uul ayaa lagu kala magacaabaa Ahmed Ouyahia iyo Abdelmalek Sellal.

Ahmed Ouyahia oo Raysal Wasaare ka soo noqday dalka Algeria ayaa lagu xakumay 15 sano oo xabsi ah, halka Abdelmalek Sellal oo isna Raysal Wasaare ka soo noqday Algeria lagu xakumay 12 sano oo xabsi ah.

Labada Mas’uul ayaa ka mid ahaa xukuumaddii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com