8 YOOL 66 BALLANQAAD: Musharrax Madaxweyne Puntland 2019 SICIID CABDULLAAHI DENI

HomeWararkaOlolaha Doorashooyinka Puntland - Deni 2019

8 YOOL 66 BALLANQAAD: Musharrax Madaxweyne Puntland 2019 SICIID CABDULLAAHI DENI

HORUDHAC Barnaamijkaan siyaasadeed waxa uu soo bandhigayaa Ballanqaadyadayda aan soo hordhigayo shacabka reer Puntland iyo tallaabooyinka aan rabo in

Kulan lagu taagerayo Madaxweyne Deni oo Burtinle ka dhacday (Daawo)
Wasiir Axmed Ciise Cawad oo daljir uga waramay Kulankii Deni la qaaten (Daawo)
Musharrax Siciid Deni oo Booqasho Sharafeed ugu tagay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin (Sawiro)

HORUDHAC

Barnaamijkaan siyaasadeed waxa uu soo bandhigayaa Ballanqaadyadayda aan soo hordhigayo shacabka reer Puntland iyo tallaabooyinka aan rabo in aan qaado haddii aan ku guulaysto xilka Madaxweyne ee Dawladda Puntland, Qormadan waxaan ku soo gudbinayaa Siyaasadaha iyo Ajandayaasha aan ka fulinayo Puntland si loo tayeeyo guulaha la gaaray loona tiigsado hirgalinta filashada Bulshada.

***

Aniga oo Ilaahay kaashanaya, waxaa iga go’an in aan aqoontayda, waayo-aragnimadayda iyo aragtida
siyaasadeed ee aan xambaarsanahay aan uga faa’iideeyo shacab-kayga aan jeclahay. Waxa aan ku rajo weynahay in aan helo taageeradiinna iyo kalsoonida Xildhibaanada sharafta leh ee Puntland si aan u hirgalino barnaamijkaan siyaasadeed ee aan u dejinay in lagu horumariyo Puntland.

Bulshada reer Puntland waxa noo dhexeeya, rabaana in ay igula xisaabtamaan fulinta Ballan-qaadyada
ku qoran Barnaamijkaan Siyaasadeed. Waxaan ku kalsoonahay Baraarugga shacabka iyo sida ay uga
go’antahay maanta in aanay ka aamusin mar-danbe in lagu takrifalo awoodda dawladnimo ama looga
baxo ballan-qaadyada lala galo xilliga doorashada.

Barnaamijkaan siyaasadeed waxa uu xoogga saarayaa dhinacyo badan oo muhiim ah sida: hirgalinta isbedel siyaasadeed oo dhaxal-gal ah, xoojinta Amniga, kobcinta dhaqaalaha, tayeynta adeegyada bulshada, taabbo galinta garsoorka iyo sarraynta sharciga, daryeelka deegaanka, horumarinta dhalinyarada iyo mudnaan siinta haweenka. Barnaamijkaan siyaasadeed ee aan idin la wadaagayo waa mid aan la kaashaday khibradayda iyo xogta aan ka hayo Puntland, la tashiga khubaro xog-ogaal u ah
xaaladda Puntland iyo daraasaado dhawra oo laga sameeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo
dhaqan-dhaqaale ee Puntland ku sugantahay, waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa cid kasta oo aragti iyo fikrad ku darsatay barnaamijkaan.

Shantii sano oo u dambaysay Maamulka talada haya waxa uu ku guul-darreystay u adeegidda bulshada, sugidda amniga, hirgalinta sarraynta sharciga, sidoo kale waxa uu ku takri-falay awoodda dawladda, wuxuuna gaystay musuqmaasuq baahsan oo dhaawacay hannaanka dawladnimo.

Siciid Cabdullaahi Deni
Musharrax Madaxweyne
Dowladda Puntland 2019

***


HALKAN RIIX BARNAAMIJKA OO DHAMMAYSTIRAN


 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: