70 Dhallinyaro bannaanbaxayaashii Jigjiga ee shalay oo xabsiga loo taxaabay

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

70 Dhallinyaro bannaanbaxayaashii Jigjiga ee shalay oo xabsiga loo taxaabay

Kaddib banaanbixii shalay ee Jigjiga ee looga bannaanbaxay masaajidada lagu gubay kililka Amxaarada ayaa waxaa xalay saqdii dhexe illaa iyo saaka la s

RIYADII RUMOWDEY EE DEKADA GARACAD | WARDHEER ILLAA GALAADI EE GOBOLKA DOOLLO
DIBADBAXYO LOOGA SOO HORJEEDO MARAYKAN AYAA KA DHACAY QABRIDAHAR IYO DHAGAXBUUR OO KATIRSAN DDS (daawo)
Jigjiga oo sii fidaysa iyo magaalada oo loo qeybiyay afar degmo (Warbixin)

Kaddib banaanbixii shalay ee Jigjiga ee looga bannaanbaxay masaajidada lagu gubay kililka Amxaarada ayaa waxaa xalay saqdii dhexe illaa iyo saaka la soo qaqabtay oo xabsiga loo taxaabay dhalinyaro ay tiradoodu kor u dhaaftay 70 xubnood.

Dhalinyaradan ayaa qaarkood xalay guryahooda lagala soo baxay, halka qaar kalena saaka jidadka Jigjiga laga qabqabtay. Dhallinyarada ayaa lagu eedaynayaa in ay yihiin qabanqaabiyayaashii bannaanbixii shalay.

Bannaanbixii shalay ayaa waxaa ku dhintay 2 qof halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidamada koofiyad casta ee Liyuu Boolisku rasoos oodda uga qaadeen qaar kamid ah bannaanbaxayaasha.

Shacabka Jigjiga oo aad uga careysan dhallinta xabsiga loo taxaabay iyo waliba qaabka loo soo qabqabtay ayaa Radio Daljir u sheegay in “dhalinyaradu aysan wax dambi ah lahayn oo ay sharci darro tahay in la xidho, eedda kaliya ee lagu haystaana ay tahay see u difaaci kartaan diinta Islaamka.”

Tallaabada xabsi xirka dhallinta Jigjiga ayaa waxaa fuliyey Xafiiska Nabadgaliyada Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: