40 KM oo jidka isku xira Xarfo iyo Jalam oo laami-saariddii lagu bilaabay (dhegayso/sawiro)

40 KM oo jidka isku xira Xarfo iyo Jalam oo laami-saariddii lagu bilaabay (dhegayso/sawiro)

Mashruucii dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, qaybtiisa u dhexaysa Jalam iyo Xarfo ayaa haatan meel gabogabo ah maraysa, kadib markii ay horay u idlaatay wajigiisii garaacidda iyo ku gujaynta carrokaawada.

Mashruucaasi oo qorshihiisu yahay in uu ebyo masaafo jid oo gaaraysa 80 KM, ahna inta u dhexaysa magaalooyinka Jalam iyo Xarfo, ayaa gelinkii dambe ee maanta ayaa si rasmi ah loogu bilaabay 40 km oo kamid ah laami-saaridda, taasoo ah inta u dhaxaysa degmooyinka Buurtinle iyo Xarfo.

Wajiga cusub ee jidkaasi kalabar kamid ah uu hadda galay oo ah wajiga kama dambaysta ah ee laami-saaridda, ayaa baal cusub furaysa, meeshana ka saaraysa baqdin laga qabay baaqasho soo wajahda dhismaha waddadaasi, kadib markii mid ka mid ah dhinacyadii dhaqaale ku bixinteeda ay ka baxday mashruuca, taasoo ahayd hay’adda GIZ ee dowladda Jarmalka.

Xaalka mashruucaas ayaa hadda u muuqdo mid najixi kara, kaddib markii dhinacyada hadda ku harsan maalgelinteeda iyo meelmarinteeda ay ku adkaysteen ebyidda waddada oo ah mid hawlbowle u ah Puntland.

Hoos ka dhegayso Warbixin Radio Daljir ka diyaarshay munaasabaddii maanta lagu soo bandhigayey laamiyeynta 40 KM oo jidka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com