HomeUncategorized

3-sano guuradii kasoo wareegtay markii xilka madaxwaynanimo loo doortay Dr ?Faroole? oo xuskeeda lagu qabanayo Boossaaso.

Caption ...

Madaxweynaha oo ka qaybgelaya shirweynaha 27-aad ee Midowga Afrika.
DHEGEYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_28
Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir muhiim ah uga Qayb Galay Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast

Boossaaso, January, 07 ? 8-da January oo ah maalintii xilka madaxwaynaha Puntland loo doortay Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud ?Faroole? ayaa ku beegan maalinta birriya, waxaana xuskaasi xukuumadu ay ka qabsanaysaa madaxtooyada Boossaaso.

Qaban-qaabada xuskaasi ayaa waxaa si wayn looga dareemay magaalada Garowe ee xarunta dawladda Puntland oo 2-dii sano ee hore lagu qabtay xuskaasi, waxaana 3-dii maal-mood ee ugu dambeeyay magaalada Boossaaso gaaray xubno ka kala tirsan goleyaasha dawladda, isimo, waxgarad, fannaaniin iyo abwaano.

Magaalada Boossaaso waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa madaxwaynaha dawladda Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo u badan golaha xukuumada, waxaa warar idaacadda Daljir ay ka heshay ilo ku dhaw-dhaw madaxtooyada ay sheegayaan in madaxwaynuhu guddiga qaban-qaabada xuska 8-da January uu madax uga dhigay wasiirka amniga Puntland duuliye sare Khaliif Ciise Mudan.

Labada munaasabadood ee xukuumadd Puntland ugu qiimaha badan waa 8-da Janauray oo ku beegan xilligii ay curatay dawladda madaxwayne Faroole, iyo 1-da August oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay dawladda Puntland sanadkii 1998-dii waana markii ugu horaysay oo xuska 8-da January lagu qabto Boossaaso, iyadoo 2-dii sano ee horay lagu qabtay magaalada Garowe ee xaruntada dawladda Puntland.

Diiwaanka Wararka
R.Daljir Kooshin.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: