Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir muhiim ah uga Qayb Galay Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast

Sabti, May 30, 2015 (Daljir) — Ku xigeenka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda FS mudane Maxamud Xayir ayaa magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast uga qayb galay shirkii sanad laha ahaa ee Banigiga Hormarinta Africa,

Shirkaana yaa ka duwanaa shirarkii hore, waxaana sanadkaan uu ku soo beegamay sanadguuradii 50 aad ee ka soo wareegatay asaaskii Bangiga Horumarinta Africa.

\”Waxaa Abidjan ka dhacay shirkii sanadlaha ahaa Bangiga Horurinta Afirka \” African Development Bank \” Iyo dabaal degii sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay asaasaka Bagiga, waxaa  kale ka dhacaday doorashadii Madaxaynaha Bangiga ee shanta sano ee soo socota, doorashaad oo ku dhacday loolan adag ayaa waxaa ku guulasatay Dr. Akinwumi A. Adesina oo ka soo jeeda wadanka Neyjeriya, wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii  8aad ee Bangiga loo doorto\” ayuu yiri Wasiir Xayir.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in doorashadaan ay muhiimad gaar ah u lehayd habsami u socodka shaqada adag oo uu hayo Banigu qaarada Africa, iyo wadamada kale oo xubnaha ka ah, kuwaas oo gaaraya ilaa 80 Wadan, oo kaso kala jeeda qarada Africka iyo Aduunka intiisa kale.

Waftiga Soomaaliya uga qayb galay shirkaas ayaa xooga saaray sidi loo heli lahaa wadamo hormuuud ka noqada cafinta deeynta lagu leeyahay Soomaaliya, oo hada meel fiican maraysa, waxaana waftigu kulamo la qaatay Madaxda Bagiga, Wadama Soomaliya Daneeya, Ingiriisaka, Norway, Swede, Denmak Maryakanka  iyo Wadama IGAD.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com