18,000 oo qaxooti Siiriyan ah oo ka gudubtay xadka Turkiga.

HomeWararka

18,000 oo qaxooti Siiriyan ah oo ka gudubtay xadka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in qaxooti gaaraya 18,000 ay ka gudbeen xadka dalkiisa,iyagoo galay dalal kale oo ku yaal

Caawa & Daljir iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Madaxwaynaha Faransiiska oo qaaday talaabo uu ku joojinayo rabshadaha dalkiisa
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in qaxooti gaaraya 18,000 ay ka gudbeen xadka dalkiisa,iyagoo galay dalal kale oo ku yaal qaarada Yurub kadib markii uu albaabada u furay qaxootiga ku nool dalkiisa

Tirada dadka galaya qaarada Yurub ayaa laga yaabaa inay gaarto illaa soddon kun oo ruux maalmaha soo socda.

“Dowlada Turkiga ma awoodo inay qaxooti maalin walba ka soo cararaya dagaalada sokeeye ee Siiriya ay hayso.”ayuu sii raaciyay.

Dowlada Giriigga ayaa sheegtay inay ka hortagtay oo dib u celisay kumanaan qaxooti ah oo doonayay inay si sharci darro ah ugaga soo gudbaan xadka Turkiga.

Ciidamada Giriiga ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriso dadka doonaya inay ka soo gudbaan xadka Turkiga uu la leeyahay. Go’aanka Turkiga ayaa yimid kadib markii ciidamo Turki ah oo ku sugan Waqooyi Siiriya la weeraray.

Ugu yaraan 33 ciidamad Turkiga ayaa lagu diley duqeyn ka dhacday Idlib oo ah gobolka ugu dambeeya ee kooxaha mucaaradka Siiriya gacantooda ku haray.

Turkiga ayaa tallaabo aargoosi ah qaaday isagoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku duqeeyay ciidamada Siiriya waxaana weerarkaas lagu diley 26 askar Syrian ah.

Siiriya oo taageero ka helaysa Ruushka ayaa doonaysa inay dib ula wareegto Idlib oo ay ku sugan yihiin kooxo Jihaadiyiin ah iyo mucaaradka uu Turkigu taageero.

Turkiga ayaa waxaa uu martigeliyay illaa 3.7 Malyan oo qaxooti Siiriyaan ah iyo weliba qaar kale oo ka soo qaxay dalka Afghanistan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: