Madaxwaynaha Faransiiska oo qaaday talaabo uu ku joojinayo rabshadaha dalkiisa

 

Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa balanqaaday mushaar kordhinta ugu yar iyo dhimista canshuurta, isagoo ka jawaabaya dibadbaxyo rabshado watay oo muddo laba todobaad ah oo looga soo horjeeday qiimaha heerka nolosha ee sare usii kacaya.

Wadanka Faransiiska ayaa ku jiray muddo afar todobaad ah dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeedo qiimaha canshuurta ee sare u sii kacaya, nolosha iyo adeegyada kalle ee muhiimka ah.

Khudbad uu Telfishinka ka jeediyay ayuu Macron waxaa uu cambaareeyey rabashadaha , balse waxaa uu sheegay carada dibadbaxayaasha inay sharci tahay.

Mushaar dhimista ayaa waxaa uu sheegay dib in loo kordhin doono ilaa boqol yuuro sanadka 2019.

Canshuurta la qorsheeyey ayaa hoos u dhigi doonta, meesha ka saari doonta dakhliga ay heli lahaayeen dadka howlgabka ah.

Waxaa uu Macron diiday canshuurta dadka hodanka in la dhimo, isagoona sheegay haddii laga dhimo ay luminayso fursado shaqo oo ay abuurayso dowladda, ayna awoodeeda hoos u dhigayso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com