12 jir Buurtinle lagu kufsaday iyo bulshada oo maanta ka kulantay (dhegayso|daawo)

HomeWararka

12 jir Buurtinle lagu kufsaday iyo bulshada oo maanta ka kulantay (dhegayso|daawo)

Waxaa mar kale deegaanada Puntland ka dhacay kufsi loo gaystay gabar yar oo da'deedu tahay 12 jir. Marakan waa degamada Burtinle. Sida aan wararka ku

Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (DHEGAYSO)
Wasaaradda waxbarashada Puntland oo 30 Arday waxbaarsho dibadda ah u qaadaysa (Akhriso)
Xulashada Daljir iyo Xasan Haykal (dhegayso)

Waxaa mar kale deegaanada Puntland ka dhacay kufsi loo gaystay gabar yar oo da’deedu tahay 12 jir. Marakan waa degamada Burtinle. Sida aan wararka ku halayno kufsiga ayaa waxa gabadha u gaystay saddex dhallinyaro ah oo daris la ahaa gabadha ay kufsadeen.

Kufsiga oo dhacay saddex asbuuc kahor ayaa loo gaystay gabadh ina Cabduqaadir Xasan Isxaaq, ahna gabar agoon ah oo hadda lagu dabiibayo isbitaal Bossaso ku yaal.

Kulan maanta Burtinle ka dhacay ayaa looga hadlay kufsiga loo gaystay gabadha aan qaangaarka ahayn waxaana lagu qabtay guriga Shiikh Cabdishakuur Cali Xirsi oo isagu soo qabanqaabiyey kulanka.

Saddexda kufsade ee dariska la ahaa gabadha ina Cabduqaadir oo hadda ku xiran saldhigga Burtinle ayaa gabadha ugu hanjabay in haddii ay magacyadooda sheegto loo jarjarayo oo loo dilayo sidii caa’isho Ilyaas oo kale.

Caa’isha Ilyaas ayaa saas oo kale waxaa kufsaday, haddana Gaalkacyo ku dilay, wiilal daris la ahaa oo xataa guriga Caa’isha qaarkood cuntada ka cuni jireen.

Dowladda Puntland ayaa shacabku waxa ay hadda ku eegayaan il gaar ah iyo sida ay ka yeeli doonto danbiilayaasha saddexda ah ee hadda kufsaday ina Cabdulqaadir iyo dabiilayaashii Gaalkacyo ee ayana Caa’isha Ilyaas kufsaday, haddana dil ugu daray.

Hoos ka dhegayso kulanka maanta ee Burtinle.

Hoos Kadaawo Warbixin an ka diyaarinay.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLANDN 5 years ago

    I AM SORRY!!.
    DHOOFKII BAA KUFSIGII GALAY.
    WAXAAN ARKAA LABA ARIN:-
    1=IN WIILASHU ISKA DHAADHICIYEEN GABAAR KUFSO HAAD RABTO IN LAGU DHOOFIYO,LANA DHOOFIYO.
    2=IN HAY’ADO SHISHEEYE KA DANBEEYAAN OO INTAY LACAG SIIYAAN YARYARKA KUDHAAN SOO SAMEEYA,HAY’ADAHAASOO DANO FOG KALEH ARINKA.
    KUFSIGU MA AHA DHAQAN SOMALI,
    SOMALIYANA SACUUDI MA AHA FAHANTU.WHY?UUKUFSIGU U BOQOL JIBAAMAA?
    HASHANI MAANKAYGA GADAYE MA MAASAAR BAY LIQDAY.

DISQUS: