HomeUncategorized

Maraykanka oo Xiyaraado saaray hantida Saraakiil ka tirsan dowladda Burundi

Somalia, November 24, 2015 (Daljir) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay kusoo rogayso xayiraado Afar ka mid ah Mas’uuliyiinta Burundi, kuwaasoo ay ku jiraan Xubno horay xilal uga soo qabtay xukuumadda; waxaana dhamaan lala xiriiriyay Qalalaasaha ka taagan dalkaas.

DHAGAYSO:Taliyaha Cusub ee Qaybta Booliska G.Kar-kaar oo Xilka la wareegay
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada iyo Xuseen Madar.
BARNAAMIJKII SAAKA IYO DUNIDA,AXAD,26_ [DHAGAYSO]

Somalia, November 24, 2015 (Daljir) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay kusoo rogayso xayiraado Afar ka mid ah Mas’uuliyiinta Burundi, kuwaasoo ay ku jiraan Xubno horay xilal uga soo qabtay xukuumadda; waxaana dhamaan lala xiriiriyay Qalalaasaha ka taagan dalkaas.

Afarta mas’uul ee laga xayiri doono fiisaha iyo hantida ayaa waxay kala yihiin; wasiirka amniga iyo dadweynaha, agaasime ku xigeenka booliiska dalka Burundi, agaasimihii hore ee sirdoonka iyo weliba wasiirkii hore ee difaaca.

Mareykanka ayaa waxay sheegeen in xaaladda ka jirta dalka Burundi ay tahay mid aad khatar u ah, isla markaana ay ka dhacaan dilal qorsheysan, xarig iyo weliba jir-dil ay ku kacaan hay’adaha ammaanka Burundi.

Rabshadaha ka jira dalka Burundi ayaa billowday markii madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza’s uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad hoggaanka dalkaas u tartamayo, taasoo keentay inay mucaaradku diidaan, iyadoo rabshadaha taagan ay ku dhinteen 240-qof tan iyo bishii Abriil ee sannadkan.

 

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: