RW Cumar oo Isku-shaandhayn kooban ku sameeyay Golihiisa xukuumadda

Somalia, November 24, 2015 (Daljir) — Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Dikreetadan ku xusan isbadal kooban iyo xilka-qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Digreetadan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xarbi Cali Kullane.

Waxaa xilka qaadistan iyo magacaabida lagu sameeyey qaar kamid Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Laga qaadey Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusmaan, waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

Sidokale, Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha laga qaadey Mudane, Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow) waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com