HomeUncategorized

Xukuumadda federaalka ah oo magacawday guddi la shaqayn doona guddiga qabyo-qoraalka dastuurka.

Caption ...

Bank Moon ?Al-shabaab xal ha loo helo ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka soomaaliya 2016-ka?
Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhoweeyey ansixinta golihiisa wasiirada.
DHAGAYSO: Barnaamij Gaar ah oo ku Saabsan sida looga Ciiday Puntland

Muqdisho, Sept 26 – War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka gaashaandhigga ee dawlada federaalka ah Xuseen Carab Ciise, ahna ku-simaha R/wasaare Gaas ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo u xil-saaran caawinta guddiga dastuurka ee soo diyaariyey qaby-qoraalka dastuurka ee dawlada federaalka ah ee Somaliya.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnahan loo doortay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin shuruucda iyo dastuurka.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:

1. Dr. Cali Saciid Fiqi
2. Maxamed Sheekh Cusman Jawaari
3. Prof. Axmed Cabbaas Axmed

4. Dr. Shukriya Cabdiraxman Diini
5. Prof. Maxamuud Macallin Ali (Tuuryare)
6. Avv. Caasha-kiin Faarax Ducaale

7. Cali Sh. Maxamuud Gacal
8. Hanan A. Ibraahim
9. Avv. Cali Cabdalla Daafeed

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: