Xubno katirsan Al-shabaab oo ka baxsaday Xabsi kuyaal Nairobi

HomeWararka

Xubno katirsan Al-shabaab oo ka baxsaday Xabsi kuyaal Nairobi

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in Xabsi kuyaal Magaalada Nairobi ay ka baxsadeen Saddex Rag ah oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shab

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Koonfur Galbeed
Qardho: Maanka Dadwaynaha iyo Mikroofanka Daljir (dhegayso)
Safiirka dalka Hindiya Ambassador Rahul Chabbra oo Garoowe soo gaaray

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in Xabsi kuyaal Magaalada Nairobi ay ka baxsadeen Saddex Rag ah oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaan ee ka dagaaalama Gudaha Soomaaliya.

War kasoo baxay Ciidamada waaxda dambi baarista Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ay baadi goobayaan Saddexda ragga ah oo muddo ku xirnaa xabsiga wayn ee Kamiti ee magaaalada Nairobi, hayeeshee baxsaday.

Ragga lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ee baxsaday ayaa waxaa Waaxda dambi baarista Booliska Kenya ee ( DCI) magacyadooda ku sheegeen Musharaf Cabdalla, Maxamad Cali Abikar iyo Joseph Juma Odhiambo, balse Warbixinta Booliska ayaan lagu cadeyn sababta suurto gelisay inay raggaas Xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ka baxsadaan.

Dowladda Kenya ahaa sidoo kale shaacisay in lacag dhan 60 milyan oo shilin la siin doono laguna abaal marin doono cidii soo gudbisa xog fududeyn karta si gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.

Musharaf Cabdalla ayaa la xiray 30-kii bishii 9-aad ee sanadkii 2012-kii, ka dib markii lagu eedeyay inuu ka qayb qaatay iskuday la doonayay in lagu weerarro dhismaha baarlamaanka Kenya isaga oo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu sitay hub iyo waxyaabaha qarxa.

Maxamad Cali Abikar ayaa isna la qabtay ka dib markii sida ay sheegeen laamaha ammaanka uu ka qayb qaatay weerarkii jaamacadda Garissa ee 2-dii bishii 4-aad ee sanadkii 2015-kii.

Joseph Juma Odhiambo ayaa sida oo kale la xiray 20-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2019-kii, ka dib markii lagu eedeyay inuu isku dayay in uu iska diiwaangeliyo kooxda Al-Shabaab.

Marka laga yimaado Mr Joseph oo Kenyan ah balse 2 eedeysane ee kale ayaa aan la sheegin inay Somalia ka soo jeedaan iyo inkale, balse sida magacayada ka muuqta Somalia loo badinayo.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gudaha Kenya aya dhowr jeer Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen weeraro toos ah iyo qaraxyo, iyada oo sidoo kale dowladda Kenya ay xirxirtay dad lagu eedeynayo inay la Shaqeeyaan Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: