XILDHIBAAN ABIIB OO LA KULMAY WAAXDA WORLD BANK EE DABAGALKA MASHAARIICDA IYO LA DAGAALANKA MUSUQA

HomeWararkaMaqaalo Kale

XILDHIBAAN ABIIB OO LA KULMAY WAAXDA WORLD BANK EE DABAGALKA MASHAARIICDA IYO LA DAGAALANKA MUSUQA

Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada iyo Senatarada labada gole salaan sharaf mudan iga guddooma. Sida aan hore idinku wargaliyey maant

Daljir & BBCMA: Mowjadaha BARAARUGA Taxanaha 55aad | (daawo)
Daahfurka Golaha Horumarinta Qardho
Ri’ dhali wayday iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ku jawaabtay in aysan lahayn qalab iyo goob lagu daweeyo toona (daawo)

Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada iyo Senatarada labada gole salaan sharaf mudan iga guddooma.

Sida aan hore idinku wargaliyey maanta oo taariikhdu tahay April 18, 2024 waxaan la kulmay Madaxdii World Bank Integrity Vice Presidency (INT) oo si fiican oo sharaf leh ii soodhaweeyey.

Kulankii aan wada lahayn si qurux badan oo hufan buu noogu dhacay. Si fiican baan isku fahanay. Waxaan uga mahadceliyey inay ila kulmeen iyo sida ay wax uga bedeleen mashruuci RCRF oo ay ku soo kordhiyeen isla xisaabtan iyo daahfurni dhab ah.

Waxay aad ugu farxeen in Xildhibaanada Soomaaliyeed ay aad u danaynayaan wadashaqeynta World Bank ayna aad iyo aad u soodhawnayaan. Waxay ku tilmaameen tallaabo aad iyo aad rajo u galisay inay Soomaaliya horumar waara gaadho.

Waxaan u ballanqaaday inaan diyaar u ahay in aan ka caawiyo wax kasta oo labada gole ee barlamaanka ay uga baahanyihiin si ay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan.

Anna waxaa iga ballan ah in aan guto waajibka iga saaran shacabka Soomaaliyeed, una dagaalamo oo aan difaaco xaqa ay ku leeyihiin mashruucayada magacooga lagu soo qaado.

Mahadsanid,

Xildhibaan Dr. Abdillahi Hashi Abib
MP – Gobolka Awdal iyo Degmada Gebiley

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: