HomeUncategorized

Xaalada dhaawacyada wax ku noqday Qarax xalay ka dhacay Beledweyne oo aad looga dayrinayo

Beledweyne, September 8, 2013 - Khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay Beledweyne ayaa sii kordhaya, sidoo kale ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ilaa maanta waxay wadaan baaritaano.

Puntland oo laga furay talaalka dabaysha oo ay helayaan xilligan dadka waa wayn (Dhegeyso)
Puntland: Ministry of information threatens to kill Journalists while Police raid, shut down Daljir radio station
M/weynaha Puntland oo kala diray maamulkii gobolka Mudug, mid cusubna magacaabay.

Beledweyne, September 8, 2013 – Khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay Beledweyne ayaa sii kordhaya, sidoo kale ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ilaa maanta waxay wadaan baaritaano xoog leh oo dhinaca amaanka ah.

Qaraxa oo ahaa Bam nooca gacanta laga tuuro? ayaa reebay khaasaaraha 1 qof oo geeryooday, ?sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray 6 ruux, dadka ayaa dhamaantood ah rayid ku sugnaa goob aad u buuq badan oo ku taala xaafada Howl-wadaag ee Beledweyne.

Taliyaha qeybta booliska ee Beledweyne Cali Cabdi (Mahad Alle) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid culus, wuxuu sheegay in dadka rayidka ah lala eegtay Bam gacmeed xili ay joogeen makhaayad lagu shaaho.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa haatan lagu dabiibayaa cisbitalka guud ee magaalada, saraakiisha caafimaadka ee Cisbitalka ayaa sheegay in dadka qaarkood ay xaaladoodu halis tahay.

Ciidamada amaanka ee Beledweyne ayaa saaka ilaa xalay waxay xireen dhowr qof oo laga shakiyey, Cali Mahad Alle wuxuu sheegay in ay baaris ku sameyn doonaan dadka la hayo, oo laga qabtay qaarkood meel ku dhow aaga Qaraxu ka dhacay.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: