WAXAA SII XOOGAYSANAYA DABKII QABSADAY SUUQA JIGJIGA.

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

WAXAA SII XOOGAYSANAYA DABKII QABSADAY SUUQA JIGJIGA.

Dabkii goordhaweyd ka kacay suuqa Taywanta ee magaalada Jigjiga ayaa sii xoogaysana xilli uu socdo gurmad ballaaran oo dabkaasi lagu bakhtiinayo, dhin

Dagmada Haroorays ee Gobolka Faafan DDS & Horumarka ay ku talaabsatay (daawo)
Shirka xoojinta amniga degmada Tuli Guuleed (Warbixin)
Jigjiga & Koronto la’aanta haysata shacbaka (daawo)

Dabkii goordhaweyd ka kacay suuqa Taywanta ee magaalada Jigjiga ayaa sii xoogaysana xilli uu socdo gurmad ballaaran oo dabkaasi lagu bakhtiinayo, dhinaca kalana lagu xakamaynayo sii faafiddiisa.

Gaadiidka gurmadka ee xagga dab-daminta iyo dadweyne si iskood ah isku xilqaamay oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah dadkii ku ganacsan jiray suuqaasi ayaa ku hawllan dadaalka loogu jiro bakhtiinta dabkaasi.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogayn asbaabta dhalisay dabkaasi, haddana waxaa la tilmaamayaa si hawli ah in uu isku qabsaday daqiiqado kooban gudahood, isagoo durbaba saameeyey qaybo ka mid ah ganacsiyadii suuqaasi oo ka mid ah suuqyada waaweyn ee magaalada Jigjiga ee xarunta dawladda deegaanka Soomaalida.

Suuqyada magaalooyinka Soomaalida ayaa badanka ah kuwo aan u dhisnayn si nidaamsan, isla markaana ah kuwo ciriir badani ka jiro dhexmarkooda iyo hannaanka waddooyinka intaba, taasoo keenta in uu gaabis badani galo gurmadka iyo gaadiidka dab-damiska jid xumada awgeed, waana midda sahasha faafidda dabka iyo kororka khasaaraha uu dhaliyo.

Muddooyinkii dambe waxay ahayd mid sii kordhaysay gubashada suuqyada magaalooyinka waaweyn ee Somalida, sida la xasuustana waxaa horay u soo gubtay suuqyadii muhiimka ahaa ee magaalooyinka Bossaso, Hargeysa, iyo Muqdisho, kuwaasi oo balaayiin milyan ay ku basbeeleen.


Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: