Wasiirka waxbarashada DFS oo beeniyey muqaal Baraha bulshada lagu faafiyeey

HomeWararka

Wasiirka waxbarashada DFS oo beeniyey muqaal Baraha bulshada lagu faafiyeey

Wasiirka Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka hadlay muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay kaasoo ay ka muuqanayeen a

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
HADAL JEEDINTII DUQA CAASIMADA CUMAR FINISH (DAAWO)

Wasiirka Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka hadlay muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay kaasoo ay ka muuqanayeen arday imtixaan ku jirta oo aan cidna ilaalineyn isla markaana si wadajir ah uga jawaabaya su’aalaha.

Cabdulaahi Goodax Baree ayaa ku tilmaamay muuqaalka mid been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay laguna khal-khal gelinayo imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare,

“Muuqaalka waa mid lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.”ayuu sii raaciyay wasiir Goodax.

Wasiir Goodax ayaa ka codsaday dhammaan ummadda Soomaaliyeed in aysan dhag uraaricin muuqaalkaas,ayna wasaarada waxbarashadu baaritaan ku sameynayso ciddii ka dambeysay.

Waxaa maanta la soo gaba-gabeynayaa imtixaanka shahaadiga ah fasalka 12-aad ee dugsiyada sare, kaas oo todobaadkan u fariisteen in ka badan 34,000 oo arday.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: