Wasiirka gargaarka DFS oo jawaabtay Wasiir kale

HomeWararka

Wasiirka gargaarka DFS oo jawaabtay Wasiir kale

Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya Khadiija Max’ed Diiriye, ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ci

Warka Fiidnimo iyo Faadumo dagan, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Dowladda oo war ka soo saartay dhibaatooyinka ay la kulmeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika
Jigjiga oo sii fidaysa iyo magaalada oo loo qeybiyay afar degmo (Warbixin)

Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya Khadiija Max’ed Diiriye, ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, Xamsa Saciid Xamsa.

Wasiiradda oo qoraal kooban soo dhigaty boggeeda Facebook waxay tiri: “Wasiir Xildhibaan Xamse Xusuuso haddad xis-leedahay Abboowe”.

Iyada oo qoraalkaasi kooban ee ay ugu jawaabeyso Waziir Xamse soo raacisay Khudbad ay wasiirad Khadiijo jeedisay xilli ay xil wareejin dhaceysay.

Sidoo kale Wasiirka Gargaarka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa boggeeda Facebook waxa ay soo dhigtey qoraal ay u gudbisay xilligii ay ahayd wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga kaasoo ku saabsan baahiyaha ka jira wasaaradeeda.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ahayd wasiir xilligii uu socday dhismaha iyo dayactirka lagu sameeyay garoonka kubbada cagta ee Stadium Muqdisho taasoo ka mid ah guulaha ay sheegato dowlada uu madaxda ka yahay Farmaajo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: