Wasiirka Cafimaadka DFS oo booqatay Cisbitaalka Dr. Sumait

HomeWararka

Wasiirka Cafimaadka DFS oo booqatay Cisbitaalka Dr. Sumait

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta booqasho ku tagtay Isbitaalka Dr. Sumait ee

Dhismaha wadda dhaxmarta xaafadaha 11-12 ee Jigjiga (Sawirro)
WAXGARADKA DEGAANKA QORMO BUURCAD EE GOBOLKA KAR-KAAR WELI SUGAYA BALANQAADKII XUKUUMADDA DENI
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta booqasho ku tagtay Isbitaalka Dr. Sumait ee Jaamacadda SIMAD si ay ugu kuurgasho xaaladda Isbitaalka ee la Tacaalidda Caabuqa COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka ayaa dhiiri galin iyo ammaan u jeedisey howl-wadeenada caafimaadka ee safka hore kaga jira la tacaalidda iyo baxnaaneynta dadka uu soo ritay caabuqa COVID-19.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa intii ay ku guda jirtay booqshadda kormeer ku tagtay qeybta isbitaalka ee bixinta Talaalka COVID-19 ugu dambayna, waxa ay kula dar daarantay howl-wadeenada iyo maamulka Isbtiaalka inay sii kordhiyaan dadaalkooda.

Isbitaalka Dr. Sumait ee jaamacadda SIMAD ayaa ah xarunta labaad ee lagu baxnaaniyo dadka uu soo rito xanuunka saf-marka ah ee Korona adeegyada uu bixiyana waa kuwo bilaash ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: