Wasiirka Cadaaladda DFS oo Heshiis la galay  Madaxa UNDP Soomaaliya

HomeWararka

Wasiirka Cadaaladda DFS oo Heshiis la galay Madaxa UNDP Soomaaliya

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UN-ka u q

Gudoomiyihii Barlamaanka Hirshabeelle,”Xilka Cidna Igama Aysan Qaadin”
LAASCANOOD: Diyaargarowga Ciida & dharka Ciida waa Tuute iyo Boosh
Maamulka Gobolka Karkaar oo hambalyo udiray shacabka Puntland (dhegayso)

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan Soomaaliya Peter De Clerq iyo Madaxa UNDP Soomaaliya, waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in uu yahay barnaamijkan mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Peter De Clerq ku xigeenka ergayga UN-ka u qaabilsan Soomaaliya ayaa barnaamijkan uga mahadceliyay qaar ka mid ah dowladaha deeq-bixiyayaasha caalamka iyo dhamaanba dhinacyada gacanta ka geystay.

“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa beesha caalamka iyo qaar ka mid ah deeq bixiyaasha sida Sweden, Netherlands iyo Midowga Yurub oo door weyn ku lahaa barnaamijkan suurta galintiisa hay’ado badan oo UN-ka ah ayaa ka qayb qaatay sidoo kale laakiin doorka ugu weyn waxaa leh xafiiska UN-ka ee Soomaaliya iyo UNDP”. Ayuu yiri Mr. Clerq .

Wasiirka Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu hormarinayo Garsoorka dalka uuna ka qayb ka qaadan doono dhismaha Hay’addaha Cadaalada dalka sida dhismaha Maxkamada Dastuuriga, Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa, Ururada Qareenada Dalka iyo dhinacyo kale isagoo u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay.

“Qorshahan waxa uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha Bahda Cadaalada si gaar ah hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jira waxaan u mahadcelinayaa dhamaan dhinacyadii gacan ka geystay UN-ka oo dhan qaasatan xafiiska ugu weyn ee UNSOM iyo UNDP, waxa uu naga saacidi doonaa barnaamijkani dhismaha hay’addo ay ka mid yihiin Maxkamadii dastuuriga, gudiga la dagaalanka musuq maasuqa, Ururada qareenada dalka iyo kuwa kale “. Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS.

Wasiirka Cadaaladda ayaa sidoo Kale sheegay in ujeedku yahay helida Garsoor hufan oo bulshadu ku kalsoonaan karto, iyadoo ay dhawaanahan socotay dadaallo dib u habeyn loogu sameynayo nidaamka Cadaaladda dalka, waxaana xilalkii laga qaaday qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamadaha iyo Garsoorayaal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: