Wasiirka Arrimaha Gudaha  Puntalnd ayaa maanta qaabilay wafti ka socday Safaaradda Dalka Norway  ay ku leedahay Dalka Kenya

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntalnd ayaa maanta qaabilay wafti ka socday Safaaradda Dalka Norway ay ku leedahay Dalka Kenya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay xafiiskiisa

MAANHADAL: Go’aamadii qaar kamid ah Isimadda Puntland ee xaalada Puntland.
Madaxweyne Farmaajo : “14 Oktoobar waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen dadkeena.”
Gabdho muxisiniina oo ku nool dalka dibasiisa ayaa sanadki Afaraad ciidsiinaya caruurta danyarta iyo agoomaha ee ku nool Degmada Burtinle

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Safaaradda Dalka Norway ay ku leedahay Dalka Kenya sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Waftiga oo Puntland u yimid kormeerka mashaariicda ay maalgeliso Dowladda Norway ayaa Wasiirka waxay ka wada hadleen xaaladda abaarta iyo u diyaar garawga mustaqbalka ee sidii loo yareyn lahaa saameynta abaarta iyo cunto yarida.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga wada hadlay barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo doorka Dowladda Norway ee dhaqaalaha hirgelinta doorashooyinka degmooyinka ee hal cod iyo hal qof.
Kulanka waxaa wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Waftiga iyo guud ahaan Dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Dalka Soomaaliya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: