Wasiir lagu dilay jowhar iyo Madaxweynaha Hiirshabeele oo ka hadlay

HomeWararka

Wasiir lagu dilay jowhar iyo Madaxweynaha Hiirshabeele oo ka hadlay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirs

NISA “Waxaanu qabanay waxyabaaha qarxa”
Amiirkii dalka Kuweyd oo Maraykanka ku geeriyooday
Saraakil ka tirsan Alshabaab oo howlgal lagu qabtay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo xalay Kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Jowhar Xilli uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday Salaada Cishaha.

” anigoo ku hadlaya magaca golayaasha iyo shacbiga Hirshabelle waxaan tiiraanyada la qaybsanay dhammaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani”

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka wasiirka, wuxuuna Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan,qoyskii,Caruurtii ,eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.

Madaxweynaha ayaa amray hey’adaha amaanka in ay si deg Deg ah u soo qabtaan Kooxihii Ka dambeeyay Dilka wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum C.qaadir Abuukar Muxumed Karaani.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: