Wasiir Carab oo sheegay in uu halis kujiro qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee Sanadkan

HomeWararka

Wasiir Carab oo sheegay in uu halis kujiro qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee Sanadkan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) ayaa sheegay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aysan xilligaan heyn a

Ciidamadda kenya ee Gobalka Gedo oo Qarax lala beegsaday
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
QARDHO: Ganacsatada oo ka cabanaya Canshuur kordhin dowladdu ku samaysay (Daawo)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) ayaa sheegay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aysan xilligaan heyn awood dhanka waxbarashada ah sababo la xiriira dhaqaalo la’aan aawgeed.

Wasiir Carab wuxuu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada lagu leeyahay lacagihii sanadkii hore lagu qaaday imtixaanka, isla markaana imtixaanka Shahaadiga ee Sanadkan uu halis kujiro, kadib markii Wasaarada Maaliyada laga waayay lacagihii lagu qaadi lahaa Imtixaanka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab waxaa uu sheegay in ay maqan yihiin mushaaradka macalimiinta iskuulada ay maamusho dowladda, isla markaana aysan jirin cid ka damqaneyso arrintaas.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab ayaa kusoo aadaya xilli la joogo waqtigii Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya qaadi laheyd imtixaanka Shahaadiga ee sanadkaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: