Wasiir Beyle oo ka qeyb-galay Shir ay yeesheen Wasiirada IGAD

HomeWararka

Wasiir Beyle oo ka qeyb-galay Shir ay yeesheen Wasiirada IGAD

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka qeyb-galay shir ay hab Muuqaal ah( Video Converenc) u y

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo kormeeray Xarumaha Dowladda
Khudaar yari laga dareemayo suuqyadda Gaalkacyo (dhegayso)
Dhimashadu Waa 3 iyo Dhaawaca 4 Kale Shil Gaari oo Ka Dhacay Guudcad (Sawirro+cod)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka qeyb-galay shir ay hab Muuqaal ah( Video Converenc) u yeesheen Wasiiradda Maaliyadda Wadamada IGAD.

Shirka ayaa waxaa looga hadley sidii looga hortegi lahaa caqabadaha dhaqaale ee uu sababey Cudurka Coronavirus oo laga helay wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

“Waxa aan ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka urur goboleedka IGAD,Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan wadajir uga hortagi laheyn caqabadaha dhaqaalaha ee uu sababay #COVID19 ayuu yiri”Wasiir Beyle.

Shirkaan ay Maanta yeesheen Wasiiradda Maaliyadda dalalka IGAD ayaa waxaa uu daba socdaa Shikii Madaxda IGAD ee uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: