Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Maanta ku dhawaaqeysa Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare

HomeWararka

Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Maanta ku dhawaaqeysa Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Maanta oo Khamiis ah ay shaacin doonto Natiijada imtixaanaad

Boosaaso: Taliska qeybta Gobolka Bari oo Gacanta ku dhigtay Burcad Hubeysan oo Dhaawac Iyo dhac Geystay
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ugu ambabaxay dalka Burundi
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku qaabilay

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Maanta oo Khamiis ah ay shaacin doonto Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare oo ay Wasaaraddu qaaday.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa la ogeeysiiyay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada sare ee Puntland, macallimiinta iyo waaliddiintaba in maanta oo khamiis ah, taariikduna tahay 8da bisha Julay 2021, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland.

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada sare ee Puntland, macallimiinta iyo waaliddiintaba in maanta oo khamiis ah, taariikduna tahay 8da bisha Julay 2021, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland, saacaddu marka ay tahay 14:00 pm ama labada duhurnimo”

Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyaga oo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana shirkadda Golis 299, ama web-ka Wasaaradda ayaa ay ardaydu ka daalacan karaan natiijada imtixaanka sida www.moepuntland.com.
Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajaynaynaa ardayda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: 0