Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii Madasha Xisbiyada Qaran

HomeWararka

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii Madasha Xisbiyada Qaran

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midooobeen Lix Xisbi Siyaadadeed ayaa waxaa ay War-Murtiyeed ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah kasoo saareen Shir Mudd

Mudanayaasha Barlamaanka oo maanta ka doodaya Wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Doolow (dhegayso)
Wasiir Juxa & shirka adkeynta ammaanka caasimada iyo maamul wanaagga

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midooobeen Lix Xisbi Siyaadadeed ayaa waxaa ay War-Murtiyeed ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah kasoo saareen Shir Muddo Shan Cisho uga socdey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Warmurtiyeedka oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa ay ku sheegeen in shirkooda uga hadleen caqabadaha Amni iyo midka siyaasadeed ee xilligaan dalka kajira sidii xal loga gaari lahaa,kuwaas oo wiiqi kara dowladnimada mudada la soo dhisaayey.

Sidoo kale Warmurtiyeedkooda waxaa ay ku sheegeen in dhamaan Madasha Xisbiyad Qaran wada hadallo iyo taloyin ay isku darsadeen,kadib ay isku raaceen inay ku midoobaan Hal Xisbi Siyaasadeed.

Si loo gaaro midnimo iyo qaabka uu noqonayo Xisbiga ay ku midoobayaan ayay sheegeen in la magacaabayo Guddi farsamo oo muddo 45 Cisho ah kusoo dhameystira howlaha farsamo ee la xiriira Arrintaas.

Warmurtiyeedka Madasha Xisiyada Qaran oo aad u dheer ayaa waxaa ay dalbadeen in doorashada Soomaaliya ay waqtigooda ku dhacdo,sidoo kalena si shuruud la’aan ah ay kulan isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Madasha Xisbiyada Qaran inay aad uga xun yihiin in Ciidankii iyo dhaqaalihii loogu talo galay la-dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada loo adeegsado burburinta Dowlad Goboleedyada dalka kajira,waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan madal dib u heshiisiineed.

Madasha Xisbiyada Qaran ee shiray Warmurtiyeedka soo saarey ayaa waxaa ku mideysan Xisbiyada kala ah UPD ,Himilo Qaran, Kulan, Horusocod, Ilays iyo Xisbiga Nabadda.

Hoos Ka Akhriso War-Murtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran ay soo saareen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: