Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha wadatashiga Qaran

HomeWararka

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha wadatashiga Qaran

Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada lagu soo geba-gabeeyay Shir ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxwrynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Mada

Warka Arooryo iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Beesha Cilmi Xirsi oo Nabadoon Ku Caleema Saartay Burtinle (dhegayso)

Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada lagu soo geba-gabeeyay Shir ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxwrynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxwrynayaasha 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo shalay billaawday ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Maanta laga soo saaray War- Murtiyeedka ka kooban 7 qodob oo ay kujirto Arrimaha Abaaraha, waxaana ay kala yihiin.

Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen qodobada soo socda

DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA

Iyadoo la tixraacayo lifaaqa heshiskii 27 Maajo 2021 ee Dhameystirka Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya ay Golaha Wadatashiga (Qaranka gaareen,

1: Goluhu wuxuu isku raacay inuu diradda saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arimaha soo socda:
Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

2: Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-
dagaalanka argagaxisada.

3: Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.

4. Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey
dowladnimadeena.

5. Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

6. Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer
degmo, loona daadejiyo dowladnimada.

7. Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax- bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee
shacabka Soomaaliyeed.

XAALADDA ABAARAHA

Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyced ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa, Wuxuu kaloo Goluhu ku
baaqayaa in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ce dalka
ka taagan.

Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: