Wariye Kilwe Aadan maamulaha Kilwe Media oo faahfaahin ka bixiyey xariggii loo geystey

HomeWararka

Wariye Kilwe Aadan maamulaha Kilwe Media oo faahfaahin ka bixiyey xariggii loo geystey

Qoraal uu Kilwe warbaahinta la wadaagey ayuu u dhigay sidan. Bismillaah. Asalaamu calaykum ehelka, asxaabta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Xulashada Daljir & Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Sidee ayay ku timid siidaynta shaciyaqaan Muuse Cali Jaamac? (daawo)
Madaxweynaha DFS oo baaq deg deg ah ka soo saaray dagaalka galbeedka Kismaayo ka socda

Qoraal uu Kilwe warbaahinta la wadaagey ayuu u dhigay sidan.


Bismillaah.

Asalaamu calaykum ehelka, asxaabta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed.
85 maalmood kaddib waxaan ku faraxsanahay in aan Xoriyadayda dib u heley, Xariga la ii geystey waxba kama beddelayo shaqadayda warbaahineed, imana cabsi gelindoono.
Habka loo maray xariga la ii geystey iyo maxkamadayntii ciidanka dhamaan waxay ahaayeen kuwo sharciga baalmarsan oo ay ka muuqato ku tagrifal awoodeed, ma aaminsani hadda iyo mar hore midna inaan wax denbi ah ka galay dalka, dadka iyo shaqsiyaad gaar ah intaba ilaa hadana ma ogi sababta aan u xirnaa mudadaas.
Waxaan u mahadcelinayaa cidwalba oo ka damqatay Afduubkii iyo xoriyad ka qaadka la ii geystey si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa intii gacan ka geysatey inaan kasoo baxo xabsiga oo ay ugu horeeyaan Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland, Daladda Ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ee PUNSAA, bahda Warbaahinta Puntland oo ay ugu horayso Radio Daljir oo marwalba u taagnaa soo gudbinta xogta xarigayga iyo baahinta cid walba oo ka hadashay iyo dhamaan shacabweynaha reer Puntland ee ii muujiyey dareenkooda sida ay uga xunyihiin xariga la igula kacay.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Hay’adaha Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda Saxaafada iyo Xuquuqul Insaanka oo si weyn iigu muujiyey garab istaag maalmihii xoriyad la’aanta.
waxaan si gaar ah xusid iiga mudan, Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudalahayn ee RSF, Ururka Suxufiyiinta Aduunka ee IFJ, Gudiga ilaalinta Suxufiyiinta ee CPJ, Freepress, Amnesty International iyo dhamaan ururada suxufiyiinta Heer gobol, heer qaradeed iyo heer caalami intaba.
Ma ilaaawi doono garab istaaga Safiirada beesha caalamka ee Soomaaliya sida Safiirka UK ee Somalia Ambassador Kate Foster, Safiirka Sweden Ambassador Staffan Tillander iyo dhamaan diblomaasiyiintii sida gaarka ah uga hadlay xariga la igula kacay.
waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo in shaqadayda warbaahineed aan u sii wadan doono si hufan oo waafaqsan shuruucda saxaafadeed ee dalka iyo aduunka oodhan.
Ugu danbayn.
khalad ay shaqsiyaad kooban iga galeen marna uma qaban doono jiritaanka Puntland iyo danaha shacabweynaha reer Puntland, waxaan ahay ahaana doonaa Puntlander Soomaali ah oo aaminsan Jiritaanka Puntland .

Maadaama sanadku xabsi dhexdii iigu bilowday ayaan hadda jeclahay inaan idin dhaho sanad wanaagsan. Wixii intaas dheer Waxan idin kula wadaagi doonaa Hab maqal iyo Muqaal ah.


 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: