HomeUncategorized

Wareegga labaad ee barnaamika Tartan iyo Tacliin oo lasoo gabagabeeyay iyo natiiooyinka tartamadii xalay

Bosaso, Aug 08 - Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamaan dugsiyada sare ee ku yaalla deeganada Puntland ayaa si xiiso badan uga socda Radio Daljir, waxaana xalay foodda is daray dugsiyada Sare ee Shaafici Boosaso iyo Xamdaan Bosaso. Kuwaas oo ku tartamay qaybta hore ee barnaamijka waxaana 8 iyo 6 buundo ku badiyey dugsiga Shaafici Secondry Bosaso. Waxaa uu sidaas Bossaso secondry ku helay 2 dhibcood halka Xamdaan Bosaso uusan waxba helin.

Oomaar & Qaybdiid oo loo kala magacaabay wasiirada Tacliinta Sare & Macdanata ee federaalka.
Galkacyo oo loo samaynayo 600 oo ciidan gaar ah oo qaabilsan adkaynta amniga.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.

Bosaso, Aug 08 – Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamaan dugsiyada sare ee ku yaalla deeganada Puntland ayaa si xiiso badan uga socda Radio Daljir, waxaana xalay foodda is daray dugsiyada Sare ee Shaafici Boosaso iyo Xamdaan Bosaso. Kuwaas oo ku tartamay qaybta hore ee barnaamijka waxaana 8 iyo 6 buundo ku badiyey dugsiga Shaafici? Secondry Bosaso. Waxaa uu sidaas Bossaso secondry ku helay 2 dhibcood halka Xamdaan Bosaso uusan waxba helin.

Sidoo kale waxaa iyaguna qaybtii dambe ee barnaamijka ku loolamay dugsiga Xaaji Cali Biixi Gaalkacyo? iyo? Sheekh Cismaan Qardho, waxaana 13 buundo ku badiyey dugsiga Sheekh Cismaan Qardho, halka Xaaji Cali Biixi Gaalkacyo? uu helay 8 buundo. Waxayna taasi u dhigantaa in dugsiga Sheekh Cismaan Qardho uu helay 5 dhibcood Xaaji Cali Biixi? Gaalkacyana uusan waxba helin.

Tartanka ayaa hadda ku jira isreeb-reebka , waxaana group walba ka soo bixi doona labada dugsi ee ugu dhibcaha bata.

Barnaamijkan oo qabashadiisa ay iska kaashanayaan shirkadda isgaarsiinta ee Golis, wasaaradda waxbarashada ee Puntland, Daladda waxbarashada ahliga ah ee PEN iyo Radio Daljir ayaa ah kan ugu ballaaran ee ka socda deegaanada Puntland, waxaana si toos ah looga socdaa dhammaan meelaha laga dhagaysto Radio Daljir. Waxaana ka qaybgalaya 24 dugsi sare oo ku kale yaalla magaalooyinka Bossaso, Carmo, Ufayn, Baran, Qardho, Garoowe,Burtinle, Galkacyo ,Goldogob iyo Buuhoodle.

Caawa ayaa barnaamika gelli doona nasasho, waxaana habeen dambe sitoos ah u bilaaban doona wareega sadexaad oo ay usoo baxeen sideed dugsi.

Maxamuud Cabdi Ibrahim

radio Daljir

Bosaso

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: