Wararkii ugu dambeeyay ee afgambigii Suudaan &  7 Qof oo ku dhintay Dibad baxyo ka socda Caasimada

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee afgambigii Suudaan & 7 Qof oo ku dhintay Dibad baxyo ka socda Caasimada

Toddobo qof ayaa ku dhintey mudaaharaad ka dhacay Sudan, kadib markii ay isku dhaceen ciidankii la wareegay awoodda dalkaasi. Hoggaamiyaha afgambig

Xulashadda Daljir | Ayaanle Cabdulaahi Jaamac | Daljir Cabduwaaq
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madasha Badbaado Qaran oo qoraal cabasho ah ugudbisay Beesha Caalamka (Akhriso)

Toddobo qof ayaa ku dhintey mudaaharaad ka dhacay Sudan, kadib markii ay isku dhaceen ciidankii la wareegay awoodda dalkaasi.

Hoggaamiyaha afgambiga, General Cabdulfataax al-Burhan, ayaa kala direy dowladdii kumeel gaarka aheyd, isagoo ku dhawaaqey in dalkaasi la galiyey xaalad deg deg ah.

Ra’iisal wasaarihii Sudan, Cabdalla Xamduuk, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsaneyd xukuumaddiisa, ayey ciidanku xireen.

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxey waddooyinka magaalada Khartuum, iyagoo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan afgambiga ciidanka.

Dhawaan ayey aheyd markii uu dalka Sudan uu ka dhacey afgambi ciidan oo dhicsoobay, taasoo ku abuurtey walwal xubnaha rayidka ah ee ka tirsanaa xukuumadii shaley la afgambiyey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: