Wararkii ugu dambeeyay dagaal weli ka socda degaan katirsan Shabeellaha Dhexe

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay dagaal weli ka socda degaan katirsan Shabeellaha Dhexe

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal socda in ka badan Shan saacadood oo ka dhacay degaanka Huurwayne oo u dhow degaanka Nuurdugle eeGobo

Caawa & Daljir iyo Cabdifatax Cumar Geeddi, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris
Xulashada Daljir & IQra Siciid Xasan , Daljir Bosaaso(dhegayso)

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal socda in ka badan Shan saacadood oo ka dhacay degaanka Huurwayne oo u dhow degaanka Nuurdugle eeGobolka Shabeelaha dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degaanka Huurweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa dib u xoreynta degaanka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in hubka cul culus ay labada dhinac is weeydaarsadeen, isla markaana dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan siweyn looga dareemay degaanka Nuurdugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogana y gaarsiiyeen, balse majirto warar madax bannaan oo xaqiijinayas sheegashadaas.

Degaanka Huurweyne ayaa kamid ah degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dhawaan laga saaray Al-Shabaab, waxana halkaasi ku sugan Ciidamo u badan dadka degaanka iyo kuwo katirsan Millateriga dowladda Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: