Wararkii u dambeeyay Xaalada Beledxaawo

HomeWararka

Wararkii u dambeeyay Xaalada Beledxaawo

Xaalada degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka illaa xalay aheyd mid degan, kaddib markii dagaal culus oo habeen hore illaa shalay gelinkii hor

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Muuse Bixi oo shaahadooyin gudoonsiyeey Ciidankiisa (Warsaxafadeed/Sawiro)
KISMAAYO: MAXAY KAWADA HADLEEN ROOBLE & MADAXWEYNE AXMED MADOOBE?

Xaalada degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka illaa xalay aheyd mid degan, kaddib markii dagaal culus oo habeen hore illaa shalay gelinkii hore uu ka dhacay degmadaas.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada dowladda ayaa si buuxda gacanta ugu haya degmada, ma jirin wax rasaas ah oo la maqlay, ciidankii soo weeraray ee Jubbaland ayaa dib ugu laabtay goobihii ay ka soo duuleen ee dhinaca Mandhera.

Maamulka degmada Beledxaawo ayaa sheegay in amniga uu wanaagsan yahay, isla markaana dhaq dhaqaaqa ganacsi uu caadi yahay.

Waxaa jiray dad ka barakacay intii uu socday dagaalka, inkastoo qaarkood ay dib u soo laabteen, markii xaalada ay caadi ku soo laabatay.

Ciidamada Jubbaland ee uu horkacayay C/rashiid Janan ayaa habeen hore soo weeraray degmada Beledxaawo, waxaana jiray muuqaal la soo bandhigay oo ahaa askar isu soo dhiibay ciidamada dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay soo hubeysay Ciidanka dowladda ee soo weeraray degmada Beledxaawo, inkastoo Kenya arrintaas aysan ka jawaabin, haddana walaac ayay ka muujisay dagaalka Beledxaawo ee u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Dhanka kale magaalada Muqdisho la keenay dhaawacyada in ku dhow labaatan ruux oo isugu jira ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasoo ku dhaawacmay dagaalkii Beledxaawo ku dhex maray ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Dhaawacyadan ayaa diyaarado looga soo qaaday Beledxaawo, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina, halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: