HomeUncategorized

War laga soo saaray xafiiska R/wasaare Gaas oo lagu sheegay in uu meel wanaagsan marayo qosrhii Roadmap.

Caption ...

Soomaaliya oo ka dalbatay dalalka midowga Yurub in la soo de-dejiyo dhaqaalihii New deal
Dr. Dirir, gudd. qorshaynta & daraasaadka ee gudiga dib u heshiisiinta Somaliya oo aan waraysanay.
Cali Baashi X. Maxamuud oo aan ka waraysanay safar ay ku yimaadeen Puntland. [Dhegaysi …]

Muqdisho, Oct 15 – Ra;iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa sheegay in dhaqangelinta Roadmap ka ay meel fiican mareyso, waxuuna sheegay in muddada sanadka ah ee la heysto loo baahanyahay in beesha caalamka iyo Soomaalida ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii looga miro dhalin lahaa howlaha muhiimka ah ee na horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada ay golaha wasiirada ka doodeen, fikirkoodana ku dareen qorshaha, haddana ay socdaan dadaaladii maamulada dalka ka jira ay iyagana fikirkooda muhiimka ah ugu soo biirin lahaayeen si qorshaha uu u noqdo mid Soomaali oo dhan ay ka wada qeybqaateen isla markaana ay dhaqangelintiisana ka wada qeybqaataan si ay u sahlanaato in waqtiga noo haray aan si wada jir ah uga faa’iideysano.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo maamulada dalka ay ka wada qeybqaataan qorshaha amniga tanoo uu sheegay inay sahleyso maamul wanaagga, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxda caalamka iyo Qaramada Midoobay kulamo muhiim ah la soo qaatay ayaa u xaqiijiyey in Soomaalidu ay maanta diyaar u yihiin inay meel uga soo wada jeestaan sidii waddanka loo xasilin lahaa, ha yeeshee loo baahanyahay beesha caalamka inay labo laabaan dadaaladooda ku wajahan sidii dalka looga saari lahaa marxaladdan adag, waxuuna ka codsaday in loo baahanyahay in si deg-deg ah loo helo kaalmadii iyo tasiilaadkii lagu dhaqangelin lahaa roadmap ka.


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: [email protected]
E-mail: [email protected] http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: