HomeUncategorized

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia Keating iyo Ambassador Axmed Ciise Cawad oo Garowe maantay kusoo waajahan

Garowe, 03 - April - 2016 - Wararka aan ka helayno Madaxtooyada Puntland ayaa ku waramaya in ergeyga QM u qaabislan arrimaha Somalia Michael Keating oo uu wehlinayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykan Ambassador Axmed Ciise Cawad ay kusoo waajahanyihiin Magaalada Garowe maantay oo Axad ah

Dowladda Ingiriiska oo Balan-Qaadyo u Samaysay Somalia
Bileyska Puntland oo wali baaritaan ku haya labo diyaaradood oo galabta lagu qabtay Galkacyo.
Dhegayso ARDAA2_012.
Garowe, 03 – April – 2016 – Wararka aan ka helayno Madaxtooyada Puntland ayaa ku waramaya in ergeyga QM u qaabislan arrimaha Somalia Michael Keating oo uu wehlinayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykan Ambassador Axmed Ciise Cawad ay kusoo waajahanyihiin Magaalada Garowe maantay oo Axad ah
 
Ergeyga ayaa la filayaa inuu ka qayb galo kulamada magaalada Garowe uga socda waftiga Ra’isal wasaaraha Somalia iyo dowladda Puntland kuwaasoo lagaga hadlayo sidii nidaamka 4.5 loo aqabalsiin lahaa Puntland halka xog kale sheegeyso inuu goob joog ka ahaanayo heshiiska labada dhinaca ka gaarayaan waxybaaha la isku hayo.
 
Dhinaca kale – Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa safarkiisu noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay safiirka Sooomaaliya u fadhiya Maraykanka, waxaana safarkiisa uu la xiriirii sidii uu Puntland ugu qancin lahaa in ay aqbasho nidaamka 4.5
 
Warar madax-banaan oo Radio Daljir ay ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in Puntland ay damacsantahay in ay nidaamka 4.5 ku badalato 5taan qodob ee kale ah:
 
1 – In la baabi’iyo Guddiyada Heer-ka qaran ee DF
 
2 – In Muqdisho laga badalo Caasumada, lagana doodo meeshii dalka caasimad u noqon-lahayd
 
3 – In guud ahaanba Dastuurka hadda laga shaqeeyo lallaalo, laguna badalo Dastuurkii 2012-kii ee lahaa 6da saxiix
 
4 – In Puntland ay gali-karto hishiisyada caalamiga ah inta laga helayo dawlad dhexe oo lagu kalsoonyahay
 
5 – In Puntland ay qaybteeda hesho deeqaha caalamiga ah ee magaca Soomaaliyeed ay ku hesho Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Diiwaanka Wararka,
 
Radio Daljir,

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: