Wajigii labaad ee shirka Wadatashiga DFS & Dowlad gobaleedyada oo furmay

HomeWararka

Wajigii labaad ee shirka Wadatashiga DFS & Dowlad gobaleedyada oo furmay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u bilowday wajigii labaad shirka looga

LAASCAANOOD: Saraakiisha #SSC oo kawarbixinaya xaaladda dagaalkii maanta Col Tur
Beeralayda Puntland oo diiday dalagyo ay tijaabinayaan hay’ado caalami ah (dhegayso)
Shirkadda Golis oo Qalab Xafiseed ku Wareejisay Wasaarada Warfaafinta Puntland (dhegayso)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u bilowday wajigii labaad shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, kaddib markii Sabtidii la soo dhaafay Baarlamaanka Labada Aqal ay ansixiyeen heshiiskii jiheynta doorashada.

Shirkan oo xalay u furmay Madaxda ayaa looga hadlayaa sameynta Guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, dejinta jadwalka doorashada, asteynta kuraasta deegaanada doorashada ka dhaceyso iyo arrimo kale.

Qodobada la filayo inay ka hadlaan waxaa ka mid ah sameynta Guddiga xalinta khilaafaadka oo uu soo jeediyay baarlamaanka in lagu daro lifaaqa heshiiska.

Shirkan ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda laga soo saaro qodobo ku saabsan jaangoynta doorashada iyo sidii qorshaha doorashada loo bilaabi lahaa horaanta bisha November.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanaya Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale, iyagoo laga wada hadlayay daadejinta doorashada iyo sidii jadwal kama dambeys ah sameyn lahaa, si doorashada loo aado

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: