Wafdi Kasocda QM oo Gaaray Hobyo iyo Kulamo socda (Sawiro)

Wafdi Kasocda QM oo Gaaray Hobyo iyo Kulamo socda (Sawiro)

waxaa maanta Gaaray Magaaladda Hobyo ee Galmudug wafdi Balaaran oo kasocda Qaramada Midoobey ,kuwaas oo u kuurgalaya xaaladda Hobyo iyo degaanadda kale ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Sababta ay u tageen Wafdigaas Magaalada Hobyo in ay tahay gurmad loo sameynaayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolka Mudug ee Galmudug.

Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo sidoo kale kan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Magaalada Hobyo ayaa ka mid ah Meelaha ay Saameynta balaaran ku yeelatay Abaaraha ka jira Dalka waxaana wali ka taagan Saameyntii Abaarta.

Hoos kadaawo sawiro

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com