Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirweynaha Jaamacadda Carabta

HomeWararka

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirweynaha Jaamacadda Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Te

Maxay ka wada hadleen Laftagareen & Wakiilka Hay’adda FCA?
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Buuhoodle (dhegayso)
Hoggaamiyaha Burkina Faso oo sheegay inuu dhacay afgambi dhicisoobay

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana Shirka ku wehlinaya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh.

Shirka 26-aad ee Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiyada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, xoojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka Teknolojiyada cusub.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif inta uu ku suganyahay Magaalada Qaahira waxa uu kulamo doceedyo la qaadan doonaa Wasiirada dhigiisa ee dalalka carbeed ee ka soo qeybgalay shirka iyo Dowladda Masar oo ay kawada hadli doobaan xoojinta xiriirka labada Dal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: