HomeUncategorized

Wafdi ka socda Galmudug oo gaaray degmada Cadaado ee maamulka Ximin iyo xeeb.

Cadaado, Jan, 02- Magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka Ximin iyo xeeb waxaa maanta gaaray wafdi nabadayn oo ka socday maamulka Galmudug.

Gabdhaha maamulada Soomaaliya oo tartan kubadda kolayga ah Garoowe uga socdo.
DHEGEYSO-Dowladda hoose ee Garoowe lagu dhaliilay go’aan ka gaarista dhulka lagu murmo.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Khamiis_24

Cadaado, Jan, 02- Magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka Ximin iyo xeeb waxaa maanta gaaray wafdi nabadayn oo ka socday maamulka Galmudug.


Xubnaha wafdiga oo gaarayay illaa 40 xubnood waxaa afaafka laga galo Cadaado ku soo dhaweeyay saraakiil maamulkaa iyo shacabka deegaanka.


Wafdigani nabadayntaa waxaa horkacayay Cumar Salaad Cilmi oo ka mida shakhsiyaadka laga tix galiyo deegaanka Galmudug ahna lataliye dhanka barnaamij nabadeed oo loogu magac daray (Gun ka soo dhiska nabadda G/dhexe).


Shir ballaaran oo soo dhawayna oo lagu qabtay? hoteel Tawfiiq ayna soo ajiibeen mas?uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka ka arimiya iyo marti sharaf shacabka laga soo dhex xulay, ujeedka safarka xubnahaasi ee Cadaado ayaa salka ku haya sidii loo xoojin lahaa nabad kuwada noolaashaha shacabka labada maamul iyo xalinta khilaafaadka la xiriira aanooyinka dhanka? qabiilka ee inta badan ka dhex dhaca dadyawga bah wadaagtaa ee deegaanka.


Cumar Salaad Cilmi oo wafdigan horkacayay ayaa mahad celin ka dib wuxuu barnaamijkaasi ku micneeyay mid wax galka u ah dadka iyo deegaanka.


Ugu dambayn masuulka arimaha gudaha u qaabilsan maamulka Ximin iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad u badnayd muhiimadda ay leedahay nabad galyada iyo wada noolaanshaha dadyawga isu dantaa, xubnaha ka tagey koonfurta Gaalkacyo ayaa isla caawa dib ugu soo laaban doona magaalada.


Diiwaanka Wararka
Radio daljir
(S).

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: