Wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFS oo gaaray Buulo-barde

HomeWararka

Wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFS oo gaaray Buulo-barde

Wafdi ay hoggaamineyso Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiye Salaad Samatar ayna qeyb ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Macda

NUSOJ oo 40 Wariye Tababar uga furtay Garoowe
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Agoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Suudaan
Xulashada Daljir & Axmed Maxamed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Wafdi ay hoggaamineyso Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiye Salaad Samatar ayna qeyb ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Macdanta Xildhibaan Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Haweenka Khadiijo Diiriye, Xildhibaan Maxaamed Xasan Nuux & Xildhibaan Maxamed Buraale ayaa, iyaga oo ku labisan Tuutaha ciidamada gaaray Degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo haweeyay Xildhibaano uu kamid yahay Maxamed Ibraahim Macalimuu, Saraakiil Ciidan, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Safarka Wasiirada iyo Xildhibaannada heer federaal ee degmada buulo-Burde ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka noqonayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay dhiiro gelinayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaannada gaaray degmada Buulo-Burde oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana ay tagayaan furimaha dagaalka.

Waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay yihiin kuwo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay in hal meel looga wada soo jeesto si uud ahan dalka looga saaro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: