Wacaal Darey ah: Kursigii loo diiday Jawaari ee HOP103 oo maanta Baydhabo lagu doortay

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Kursigii loo diiday Jawaari ee HOP103 oo maanta Baydhabo lagu doortay

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, iyada oo goordhow la doortay kursiga ugu horreey

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka oo tirakoobka Ciidamadda ka hadlay (Daawo)
Deeq Raashin ah oo la gaarsiyaay Xarunta dhimirka Caabudwaaq (dhegayso)
Xaaalada Magaalada Jigjiga oo dagan iyo Madaxweyne Cabdi Maxamed Oo aan laogayn halka uu kusugan yahay

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, iyada oo goordhow la doortay kursiga ugu horreeya ee doorashada.

Maxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystey Kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 103 ee Gollaha Shacabka, isaga oo helay Codad dhan 78

Halka musharaxii la tartamayey ee mukhtar Cali Ibraahim uu heley Codad dhan 18 waxaana halaabay 4 Cod.

Maxamed Cali Xasan oo Maanta Magaalada Baydhabo loogu doortay kursiga HOP103 ayaa waxaa uu hadda yahay Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kursigaan HOP103 ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari oo dhawaan sheegay in loo diiday in uu u tartamo kursigaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: