Turkey iyo Israel oo dib usoo celinaya xiriirkooda diblomaasi

HomeWararka

Turkey iyo Israel oo dib usoo celinaya xiriirkooda diblomaasi

Israel ayaa si buuxda dib ugu soo celineysa xiriirka diblomaasi ee Turkey, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay xafiiska ra’iisul wasaare Yair Lapid, kadi

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Askari lagu helay fududaynta Dilkii Paul Farmosa oo lagu xukumay Bosaso (dhegayso)
Madaxwaynaha Puntland oo talooyin usoo jeediyay qorayaasha Soomaaliyeed (dhegayso)

Israel ayaa si buuxda dib ugu soo celineysa xiriirka diblomaasi ee Turkey, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay xafiiska ra’iisul wasaare Yair Lapid, kadib sanado uu xumaa xiriirka labada dal.

“Waxaa la go’aansaday in mar kale heerka xiriirka labada dal la gaarsiiyo xiriir diblomaasi oo dhameystiran, lana soo celiyo safiirrada iyo qunsullada labada dal,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Lapid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey isfahamka diblomaasi ee labada dhinac wuxuuna ku qeexay “hanti muhiim u ah xasilloonida gobolka iyo war wanaagsan oo dhaqaale oo ay heleen shacabka Israel.”

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in labada dal ay dib u magacaabayaan safiirradooda.

“Magacaabista safiirrada waxay aheyd mid ka mid ah tallaabooyinka soo celinta xiriirka. Tallaabadan togan waxay ka timid Israel ayada oo ka dhalatay dadaallada, Turkey ahaanna waxaan go’aansanay inaan safiir u magacowno Israel iyo Tel Aviv,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Waxaan hadda billaabeynaa hanaanka aan ku go’aamineyno qofka aan magacaabeyno.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Turkey “aysan ka tanaasuli doonin qadiyadda” Falastiin inkasta oo ay dib usoo celineyso xiriirka Israel.

Go’aanka ayaa yimid kadib bilo ay socdeen dadaallo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo xumaaday 2008 kadib howlgal militari oo Israel ay ka fulisay Gaza.

Xiriirka ayaa gebi ahaan burburay 2010 kadib markii 10 qof ay ku dhinteen weerar ay Israel ku qaaday Markab Turkish ah oo lagu magacaabo Mavi Marmara oo gargaar u sida Gaza, kaasi oo isku dayey inuu jebiyo xannibaad ay Israel kusoo rogtay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: