Toogasho ka dhacday Maraykanka oo lagu dilay Saddax qof

HomeWararka

Toogasho ka dhacday Maraykanka oo lagu dilay Saddax qof

Saddex qof ayaa geeriyootay , 3 kalena wey dhaawacmeen, kadib, Toogasho ka dhacday magaalladda Washington DC. Qoraal ay Booliska soo dhigeen Bartoo

Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay (Sawiro)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 15aad
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Muqdisho(dhegayso)

Saddex qof ayaa geeriyootay , 3 kalena wey dhaawacmeen, kadib, Toogasho ka dhacday magaalladda Washington DC.

Qoraal ay Booliska soo dhigeen Bartooda Twitter-ka ayey ku xaqiijiyeen inay Toogashadaasi dhacday ku geeriyoodeen, halka 3 kalena dhaawac soo gaareen.

Toogashada waxay ka dhacday Qeybta W/Galbeed ee Washington DC.

Taliyaha Boliska Washington DC, Robert Contee WADA uu Suxufiyiinta u sheegay in rag aan la aqoonsanayn oo Gaari ka soo degtay ay Tacshiirad oodda uga qaadeen goob ay dad badan ku xooganaayeen, iyadoo dhamaan Dhibanayaasha yihiin dad qaan-gaar ah.

Taliyaha waxa uu sheegay in qofkii keena Xogta Eedeysanayaashii geystay Toogashadaasi la siin doono Abaalmarin Lacageed oo dhan 75,000 oo Dollar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: