Tirada dadka ku dhintay dhul gariirkii Turkiga oo korortay

HomeWararka

Tirada dadka ku dhintay dhul gariirkii Turkiga oo korortay

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay inay jireen dhibaatooyin kala duwani oo la xidhiidhay dhinaca gurmadka iyo sama

Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Alshabaab
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay inay jireen dhibaatooyin kala duwani oo la xidhiidhay dhinaca gurmadka iyo samatabixinta, markii uu dhulgariirku dhacay, taasoo keentay inay dad badani ka cadhoodeen gaabiska ku yimi gurmadka.

Erdogan ayaa sheegay, in xaaladda cimilada ee aadka u qaboobi inay ka mid ahayd caqabadaha ugu waaweyn ee dhibaatadaas keenay, hase ahaatee haatan uu gurmadku u socdo sidii loogu talo galay.

Dhulgariirka ku dhuftay Turkiga iyo Syria ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa ee muddo 10 sano ah caalamka laga diiwaangeliyo, waxaana haatan dhimashadu ay maraysaa in ka badan 12,000 oo qof.

Dhulgariirkii ugu dambeeyey ee khasaare badan geysta ayaa ahaa kii ka dhacay dalka Nepal, sannadkii 2015, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 8,800 oo qof, iyo dhulgariirkii kale ee tsunami ee ku dhuftay dalka Japan sannadkii 2011, halkaas oo uu ku dilay illaa 20,000 oo qof.

Tirada dhimashada ee la xaqiijiyey ee dhinaca Turkiga ayaa maraysa illaa 9,057 oo qof, halka tirada dhimashada ee dhinaca Syria ay marayso ugu yaraan 2,950.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu saameeyey dad gaadhaya 13.5 milyan, oo ku nool dhul baaxaddiisu le’eg tahay 450 KM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: