Tirada dadka ku barakacay abaarta geeska Afrika oo la shaaciyay

Tirada dadka ku barakacay abaarta geeska Afrika oo la shaaciyay

Guud ahaan Geeska Afrika, laga soo bilaabo waqooyiga Kenya ilaa bariga Itoobiya iyo inta badan Soomaaliya, abaaro ba’an ayaa ka dilaacay, kuwaasoo sababay nafaqo-xumo iyo macaluul soo foodsaartay Malaayiin qof.

Abaarta ayaa ka dhalatay Roob yarri ,dagaal sokeeye, xag-jirnimo, duullaan ciidan, isbeddelka cimilada iyo masiibada COVID-19.

Beeraleyda geeska Afrika ayaa wajahaya sanadkii ugu xumaa wax soo saarkooda.

Xilli roobaadkii ugu dambeeyay ee bilihii March ilaa May, ayaa ahaa kii ugu qallanaa ee taariikhda Geeska Afrika.

Roobab afar ah oo xiriir ah ayaan ayaa la waayay , waa dhacdo aan horay loo arag afartankii sano ee la soo dhaafay. Xilli-roobaadka soo socda, oo caadi ahaan bilaabmaya bisha Oktoobar, ayaa rajo xumo weyn laga muujiyay.

Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaasay in 18.4 milyan oo qof in ay soo food saartay “cuno yari ba’an” Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ugu daran.

Dhammaan saddexda waddan, tirada carruurta ay hayso nafaqo-xumada ba’an ee la seexiyay isbitaallada saddexdii bilood ee hore ee sannadkan waxay “aad uga badan tahay” sannadihii hore, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen hay’adaha samafalka bishan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0