HomeUncategorized

Tartan iyo Tacliin xalay oo galay habeenkii labaad iyo dugsiga Al-Nuur Baran oo ka guulaystay dugsiga Al-Azhar Qardho

Bosaaso, Aug 1 -Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee xalay ayaa waxaa ku tartamay dugsiyada kala ah Al-Nuur Baran iyo Al-azhar Shariif Qardho.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Isnin_16
Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland oo soo furtay markab ay afduub u haysteen burcad badeed Somali ah.
kulan laggu soo dhaweynaayo xafiiska cusub ee UNSOM Soomaaliya oo Garowe ka dhacay

Bosaaso, Aug 1 -Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee xalay ayaa waxaa ku tartamay dugsiyada kala ah Al-Nuur Baran iyo Al-azhar Shariif Qardho.

Tartanka oo labada dugsi ay dadaal aqooneed kusoo bandhigeen ayaa waxaa gabagabadii guusha ay raacday dusgiga sare ee Al-Nuur Baran oo ka guulaystay dugsiga Al-azhar Qardho oo isagu ka mid ah sideeda dugsi ee nasiibka u yeeshay inay usoo gudbaan wareega sadexaad ee barnaamijka.

Axmed Kaanuu oo ka mid ah? gudiga barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay dugsiga Al-azhar inuu ka jawaabay lixdii su’aal ee la waydiiyay afar ka mid ah , labana uu hareer maray, sidaasina uu ku helay sideed darajo, dugsiga Al-nuur Baran ayaa isna la waydiiyay lix su’ aal , waxaana uu ka jawaabay lixdiisa su’aalood waxaana fursad uu u helay inuu ka faa’iidaysto su’aal soo dhaafay Al-azhar sidaasina waxaa Al-Nuur Baran uu ku qaatay 13- darajo guushana ay ku raacday.

Caawa ayaa waxaa tartami doona dugsiga sare Dangoroyo? iyo Dhahar Secondary school.

Wareegan ayaa ah kii sadexaad oo ilaa iyo hadda ay ka hareen sideeda dugsi ee usoo gudbay laba dugsi oo kala ah Nugaal secondry iyo Al-Azhar Qardho.

Waxaa si wadajir ah u maalgalinaya barnaamijkaan wasaaradda waxbarshada dowladda Puntland, shirkadda Golis, Bankiga salaam iyo daladda PEN, waxaana soo abaabulay Radio Daljir oo ay baahinayaan xarumihiisa Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: