Taliyaha Militariga Gen. Odawaa Yuusuf oo Qarax kabadbaaday

HomeWararka

Taliyaha Militariga Gen. Odawaa Yuusuf oo Qarax kabadbaaday

Taliyaha Ciidamada Militariga ee Dowladda Faderaalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday qarax ismiidaamin oo lagu weeraray kolonyo gaadiid ah

MADASHA DALJIR | Dood kulul oo dhexmartay Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiir Maxamed Cabdiwahaab iyo Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir
Nabadoonada Gobalka Bari oo Baaq Nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamaya Cagaare (dhegayso)
Doorka Dhalinta iyo Horumarka Soomaaliya oo Qardho Looga Doodey (dhegayso)

Taliyaha Ciidamada Militariga ee Dowladda Faderaalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday qarax ismiidaamin oo lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo galbinaysay.

Taliyaha ayaa xiliga weerarka uu dhacayay, waxaa uu kasoo baxay xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Ciidamada Taliyaha lasocday ayaa toogtay ruuxa weerarka soo qaaday, sida lagu sheegay war kasoo baxay warbaahinta dowladda.

“Qofka isqarxiyay ayaa waday gaari noociisu yahay Saaruf, kaas oo doonayay in uu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u ah taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia Gen Odaywaa Yusuf Raage, balse markuu diiday in uu ka istaago digniin ay siiyeen ciidamada ayaa rasaas lagu furay kadibna uu isqarxiyay” ayaa lagu yiri Qoraalka dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0